Dowladda Sierra leone oo si adag u cambaaraysay faragelinta Israa’iil ku hayso Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Sierra Leone ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid si cad u jebinaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.

Hadalkaan ayaa laga jeediyay intii uu socday Shirka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo Dowladda Sierra Leone ay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan faragelinta lagu haayo madaxbannaanida, midnimada, iyo wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sierra Leone waxay si cad u sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo xuduudaha Dalalka sida ay dhigayaan heshiisyada caalamiga ah.

Ugu dambayn, Dowladda Sierra Leone waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan ilaalinta Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in aan la oggolaan karin wax tallaabo ah oo dhaawacaysa Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.