Istanbul(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga Labada Dal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada Dal, xaaladda Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.





