Bayruut: War rasmi ah oo ka soo baxay mudane Ibraahim Boughali Guddoomiyaha Ururka Baarlamaanka Carabta, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya ayaa lagu diiday talaalada ay Israel ku doonayso inay ku kala goyso Soomaaliya.
Mudane Ibraahim isaga oo ku hadlaya magaca Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu si cad oo adag u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo dhaawac ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama wiiqaysa xasilloonideeda siyaasadeed iyo amni, ama khatar gelinaysa midnimadeeda dhuleed ee Soomaaliya.
“Ururku waxa uu mar kale xaqiijinayaa diidmada buuxda ee tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo ku xadgudbaya madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama wiiqaya xasilloonideeda siyaasadeed iyo amni, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan qodobka 2-aad (farqaddiisa 4-aad) ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka ama adeegsiga awood ka dhan ah badqabka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, Ururku waxa uu cambaareynayaa aqoonsi kasta oo la siiyo hay’adda Sahyuuniyadda ee lagu sheeganayo dhulka Soomaaliya inay tahay “dawladdo madax-bannaan”, isaga oo u arka arrintaas xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, faragelin toos ah oo arrimaheeda gudaha ah, iyo baaq halis ah oo lagu hurinayo xasillooni-darro ka jirta gobolka Carabta iyo Afrika. Tani waxay ka hor imaanaysaa Go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay lambarkiisu yahay 2625 (XXV) ee sannadka 1970, kaas oo adkeynaya mabda’a aan faragelinta lagu sameyn arrimaha gudaha dalalka, isla markaana diidaya aqoonsiga isbeddello dhuleed oo ka dhashay tallaabooyin sharci-darro ah.
Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu carrabka ku adkeynayaa in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, ay yihiin qayb aan ka go’i karin amniga guud ee Carabta. Sidaas awgeed, Ururku waxa uu muujinayaa garab-istaag buuxa oo uu la garab taagan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna taageerayo tallaabo kasta oo sharci ah oo ay qaaddo si ay u ilaaliso xasilloonideeda, madaxbannaanideeda, iyo dhulkeeda oo dhan.
Ugu dambayn, Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madax-bannaanida buuxda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeynaya taageeradiisa joogtada ah ee uu siinayo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed si ay u ilaashadaan dhulkooda una xoojiyaan xasilloonidooda, isla markaana ugu baaqaya isku-duwid Carbeed oo wadajir ah si looga hortago hanjabaad kasta oo dibadeed, iyadoo la raacayo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah ee xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya dalalka, kuwaas oo diidaya isku-day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida ama xasilloonida dalalka.

