Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee lagu sheegay in Somaliland loogu aqoonsaday Dowlad Madax Bannaan, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid xadgudub iyo sharci-darro ah.
Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa wareysi uu siiyay Tefefishinka Al Jazeera ku sheegay in sheegashadaas waxba ka beddeleyn xaqiiqda sharci iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo ku nuux nuuxsaday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay Dowlad Madax Bannaan oo leh midnimo dhuleed iyo xudduudo caalanka aqoonsan yahay.
Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in sheegashadaasi aysan waxba ka beddelayn xaqiiqda sharci iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay Dowlad Madax Bannaan oo leh midnimo dhuleed iyo Xudduudo caalamka la aqoonsan yahay.
Wuxuu intaas ku daray in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida, midnimada ama xuduudaha Dalka uu yahay jebin cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si isku mid ah u diiddan yihiin bayaankaasi, isaga oo ku tilmaamay mowqifka Netanyahu mid aan taxaddar siyaasadeed ku dhisnayn, kana hor imanaya mabaadi’da xiriirka caalamiga ah,wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay ka habboonayd Israa’iil in ay aqoonsato Dowladda Falastiin, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay gumeysi iyo gardarro joogto ah.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn aqoonsi ka yimaada Netanyahu ama dhinac kale, maadaama ay tahay Dal leh sharciyad caalami ah iyo xubinimo buuxda oo Qaramada Midoobay ah, isagoo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo degdeg ah, isla markaana ay la xiriirtay waddamada walaalaha ah, kuwa saaxiibka la ah iyo hay’adaha caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay jireen falcelinno caalami iyo kuwo Gobolleed oo muujinaya taageero ballaaran oo loo hayo mowqifka Soomaaliya.

