Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay amniga deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay halkaas shalay ka saareen maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibaatada ku hayay Shacabka.
Howlgalka oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-xoraynta iyo sugidda amniga ayaa si guul leh uga dhacay deegaanada Dhanaane iyo Gendershe oo ku yaalla xeebaha u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.
Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalkan ayaa sheegay in si buuxda loo xaqiijiyay amniga, islamarkaana ay socdaan howlgallo xaqiijin iyo baaritaan ah oo looga hortagayo dhagarta kasta oo uu cadawgu ku doonayo in Shacabka u soo maleego.


