Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

back to school social media post banner template

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda qaran iyo wadajirka dhulkeeda, sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda oo aan shaki ku jirin u diidaysaa tallaabada sharci-darrada ah iyo weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday madax-bannaanideeda, kaas oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato waqooyiga Soomaaliya. Gobolka Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana dhul aan laga goyn karin, aan la kala saari karin, kana mid ah dhulka qaranka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka waxay adkaynaysaa in Soomaaliya tahay hal dal oo mideysan, aan la kala qaybin karin, isla markaana aanay jirin cid shisheeye ah oo xaq ama awood u leh inay wax ka beddesho midnimadeeda ama qaab-dhismeedka dhulkeeda. Qoraal, aqoonsi, ama heshiis kasta oo lagu wiiqayo xaqiiqadan waa waxba kama jiraan, sharci iyo siyaasad midna kama laha sharciga caalamiga ah. Arrimaha ku saabsan midnimada Soomaaliya, maamulkeeda iyo nidaamkeeda dastuuriga ah waa xuquuq gaar u ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xallin karaa oo keliya hannaan sharciyeysan, dastuur ah, iyo mid nabadeed.

Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageeradeeda mabda’a ku dhisan ee ay la garab taagan tahay xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin is-go’aamin. Waxay si adag u diidaysaa gumeysi, barakicin khasab ah, wax ka beddelka qaab-dhismeedka bulshada, iyo ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah dhammaan noocyadooda. Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin laga dhigo dad aan dal lahayn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga hirgeliyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo militari oo Soomaaliya gelin kara dagaallo wakiil ah ama soo gelin kara colaado goboleed iyo kuwo caalami ah.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka sharci-darrada ah ee noocan ah ay si weyn u wiiqayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Bariga Dhexe, iyo guud ahaan gobolka. Tallaabooyinkan waxay ka hor imanayaan mas’uuliyadda wadajirka ah ee dowladaha ee la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna abuuri karaan jawi ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideystaan xasillooni-darrada siyaasadeed, iyagoo wiiqaya dadaallada socda ee nabadda iyo amniga.

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wada-shaqayn dhisaysa oo mabda’ ku salaysan oo ay la yeelato beesha caalamka, iyadoo ku dhisan is-ixtiraam, u hoggaansanaan sharciga caalamiga ah, iyo iskaashi goboleed. Arrintan awgeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee lagama maarmaanka ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda, iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ahaadaan kuwo midaysan, feejigan, isla markaana u istaaga difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka qaranka.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeeraysaa dhammaan dowladaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ay dhowraan mabda’a faragelin-la’aanta iyo dhowrista midnimada dhuleed, ayna u dhaqmaan si mas’uuliyad leh, iyagoo danaynaya nabadda, xasilloonida, iyo amniga Geeska Afrika.