Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka Soomaaliyeed ayaa shaley u dareeray goobaha doorashada ee goleyaasha degaanka Gobolka Banaadir.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliso Marwadiisa Qamar Cali Cumar ayaa codkooda ka dhiibtay Goobta Cod Bixinta ee Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay codeynta doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo diiradda saarey muhimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

4- Marwada Madaxweynaha, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa codkeeda ka dhiibatay Xarunta Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay isku soo bax lagu soo xirayay ololaha doorashada Goleyaasha Degaanka Gobolka Banaadir ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, dabaal-degga sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

7- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda, kaddib doorashadii taariikhiga ahayd ee maanta qabsoontay.

8- Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobaha cod-bixinta doorashada Goleyaasha Degaanka Gobolka Banaadir.

9- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay ololaha doorashada tooska ah ee Gobolka Banaadir.

10- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa u Hambalyeeyey sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magaceeby Abdulkadir Cilmi Ali inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa xusay dadaalka ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu jiraan horumarka amniga iyo doorashooyinka dalka.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa codkiisa ka dhiibtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee degmada Hodan.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyo Wasiirkii hore, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur.

15- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar u soo xiray in ka badan 60 kamid ah hawlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinayey doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay Qaahira dhiggiisa dalka Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo socday intii u dhaxeysay 19–20 December.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalim ayaa furay Madasha Qaran ee Saddexaad ee Amniga Digital-ka Soomaaliya.

19- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa kaararkooda cod-bixinta ka qaatay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

20- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Hakan Fidan.

21- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa shir-guddoomiyey kulan isbarasho ah oo ay ka qaybgaleen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda.

22- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay degaanno iyo degmooyin ka tirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug, isagoo u kuur-galayey xaaladda abaarta iyo saameynta isbeddelka cimillada.

23- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalooyinka Hobyo, Xin Barwaaqo iyo Ceelhuur ee Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u qiimeeyo xaaladda deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimillada ee ka jirta degaannadaas.

24- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa hadal ka jeediyay banbaxa agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo ka dhacay Muqdisho.

25- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Maxamed Cabdullahi Faarax ayaa magaalada Gaalkacyo ka daahfuray goobta dab dhalinta korantada dabiiciga ah.

26- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026-ka.

27- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi ayaa Ciidanka oo loo qoondeeyey sugidda Amniga Doorashada Golayaasha Deegaanka Gobalka Banaadir u kala diray fariisimaha loo qorsheeyey.

28- Madasha Qaran ee Amniga Internetka ayaa si rasmi ah loogu sooo xiray Muqdisho, iyadoo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho.

29- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qabtay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha iyo howl-wadeennada warbaahinta ee Madaxtooyadda Qaranka, wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyey deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabab