udaha Wararka Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Baydhabo:-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hambalyo u diray Shacabka Gobolka Banaadir oo maanta si nabad ah, hufan isla markaana masuuliyad leh ugu dhiibtay codkooda Doorashada Qof iyo Cod.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale ammaanay Hay’adaha Ammaanka, Guddiyada Doorashooyinka iyo dhammaan masuuliyiintii ka shaqeysay hirgelinta doorashada, kuwaas oo suurtageliyey in codbixintu ku qabsoonto jawi nabad iyo kala dambeyn leh.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo helo hoggaan lagu doortay rabitaanka shacabka, loona xoojiyo midnimada iyo horumarka dalka.