Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa codkiisa doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ka dhiibtay Degmada Kaaraan, isagoo muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay doorashadani u leedahay shacabka iyo mustaqbalka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay tahay tallaabo dhab ah oo shacabka loogu soo celinayo awooddii go’aan-gaaridda, isla markaana ay gogol-xaar u tahay doorashooyinka guud ee Qaranka ee lagu saleeyay nidaamka qof iyo cod, oo ay dalka ugu dambaysay muddo ka badan nus qarni.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo shacabka Muqdisho dib loogu soo celiyay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd. Codka uu muwaadinku dhiibanayo, waa aasaaska dowladnimo xooggan, nabad waarta iyo horumar la taaban karo.” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan cusub uu horseedayo barwaaqo, amni iyo xasillooni ka sii wanaagsan kuwa hadda jira, isaga oo xusay in horumarka amni iyo dowladnimo ee Caasimadda uu si muuqata u soo hagaagay saddexdii sano ee la soo dhaafay, markaas oo uu xafiiska yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

“Horumarka amni iyo nidaam ee aan maanta ku talaabsaneyno waa natiijo ka dhalatay hoggaaminta himilda leh ee Madaxweynaheenna iyo Xukuumadda Danqaran. Shacabka maanta safafka dheer galay waxay muujiyeen inay si cad u diidan yihiin ku noqoshada doorasho dadban iyo hirgalka damaca danleyda dib-u-socodka ah.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa amaanay hawlwaldeennada heeganka ku jira iyo shacabka Gobolka Banaadir oo muujiyey iskaashiga lagu ilaalinayo; nabadda, amniga iyo bedqabka, xilli uu wadanku qorayo taariikh uu ku soo ceshanayo sumcaddiisii beri-samaadka. Isagoo carrabka ku adkeeyay in ka-qaybgalka ballaaran ee dadweynaha uu caddeyn u yahay taageerada buuxda ee dowladnimada Soomaaliya iyo rabitaanka isbeddel dimuqraadiyadeed oo waara.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta inay sii xoojiyaan ka-qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo xaqiijiyo mustaqbal ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar waara.