Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Ururrada Siyaasadda Gudoonsiiyey Shahaadooyinka Murashaxiinta u tartamaya Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.
Shahaadooyinka la Guddoonsiiyey Ururrada ayaa ah Shahaadoonyinka murashaxiinta 20 Urur ugu tartamidoona Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.
Beri ayaa Gobolka Banaadir looga dareeri doonaa Codbixinta Doorashada lagu soo dooranayo Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.











