Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ,si sharci darro ah hub ugu dhex watay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen Magaalada Muqdisho, iyagoo jabiyay awaamiir hore oo ay soo saareen Hay’adaha Ammaanka.

Booliska Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan Saldhigga Bartamaha, ayaa qabtay Askartaan, waxaana la sheegay in Maxkamad loo gudbin doono maadaama ay ka dhega-fureysteen amarka mamnuucaya in askari aan shaqo ku jirin uu Hub la dhex maro Magaalada.

Sidoo kale, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa horay uga mamnuucay Hubka Culus, ilaalo badan, iyo qaadashada Hubka gudaha Caasimadda si loo adkeeyo Amniga Muqdisho.