Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta Doorashada ka qaadatay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kaarka codbixinta Doorashada ka qaadatay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay horay uga diiwaan-gashanayd.

Wasiirka waxaa ka wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Nuuro Mustaf Muqtaar (Guudoow).

Dhinaca kale, Wasiir Khadiija ayaa kormeer ku tagtay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay si habsami leh uga socoto qaadashada kaararka codbixinta, iyadoo dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayaan Doorashada Golaha Deegaanka oo la filayo inay dhacdo 25-ka bishan.

Wasiirka oo la hadashay shacabka degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ayaa ku boorisay inay si firfircoon uga qeyb qaataan qaadashada kaararka codbixinta, isla markaana ay u soo baxaan maalinta Khamiista si ay codkooda uga dhiibtaan goobaha loo asteeyay.

Waxay xustay in tani ay tahay taariikh muhiim ah oo dalka u cusboonaanaysa, 57 sano kadib, iyadoo shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyay xaqoodii doorasho si ay u doortaan hoggaanka ay iyagu rabaan.