Howlgal oo Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta ayaa Laga Fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Disembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaasoo ka dhacay deegaanka Jabad Godane oo hoostaga degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa lagu dilay in ka badan 15 Xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaasoo ay ku jireen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falalka Argagixiso.

Dhagarqabeyaasha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ahaa:-Jacfar Aadan, oo ahaa  Horjoogihii Khawaarijta ee deegaanka Jabad Godane,Cabdirisaaq Cali,  Xubin qaabilsanaa daaweynta iyo daryeelka maleeshiyada Khawaarijta,Daa’uud  Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada ku dhuumaaleysanaysay deegaanka.

Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka. Tani waa qeyb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo Nabad iyo Xasillooni Waarta oo ka hirgasha dhammaan Gobollada Dalka.