Bakool (Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta xarigga ka jaray Iskuul cusub oo waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha, kaas oo laga hirgeliyay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Munaasabadda furitaanka iskuulka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo ay kamid yihiin Wasiirka Waxbarashada, maamulka Degmada Waajid, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Waajid.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dhismaha Iskuulkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada Gabdhaha, isla markaana uu muujinayo dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto xoojinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay si siman u helaan dhammaan carruurta, gaar ahaan Gabdhaha ku nool Deegaanada Koonfur Galbeed.




