Senator Muuse Suudi “Dalka wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, dib dambena looguma laaban doono doorasho dadban.”

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Waxaa si dar-dar leh degmooyinka Gobolka Banaadir uga socda qaadashada kaarka codbixinta doorashada golayaasha deegaanka, taasoo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoonto Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta, si ay ugu codeeyaan cidda ay rabaan.

Senator Xaaji Muuse Suudi, oo maanta kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Kaaraan, ayaa shacabka ku boorriyey inay isu diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah.

“Dalka wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, mana jirto in dib loogu laabanayo doorasho dadban,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xoosh, oo isna kula hadlay shacabka Degmada Kaaraan, ayaa yiri;

“Dowladdu waxay awooddii dib ugu soo celisay shacabka, magacaabisna way dhammaatay. Codkiinna ku taageera ururka siyaasadeed ee aad dooranaysaan.”

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa kaarka codbixinta doorashada golaha deegaanka ka qaatay Degmada Heliwaa.

Soomaaliya ayaa qoreysa taariikh baal dahab ah ka geli doonta hannaanka dimuqraadiyadeed, kaddib  25-ka bishan oo ay shacabka caasimadda  u dareerayaan doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.