Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Dabaal-dagga sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Hambalyo u diray Sarreeyayaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guulaha muuqda ee laga xaqiijiyay sugidda amniga Dalka, dib u dhiska Xarumaha Booliska, tayeynta iyo horumarinta Ciidamada, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta Nabad-Galyada Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka qabsoomaya Gobolka Banaadir.
“Waan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ku qabteen waqtiga kooban. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1943-dii, waxa uu u taagnaa ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan ragga iyo dumarka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si waafaqsan qaanuunka Dalka u gutaan, waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono shaqada loo idmaday.
Munaasabadda sanad-guurada 82-aad ee aasaaska CBS, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.


