Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diray Hambalyo ku aaddan Sanad-Guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye, ayaa Hambalyo u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleeyda, Dableyda iyo Qoysaskooda, munaasabadda Xuska Sanad-Guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.

Sareeye Gaas Shariif ayaa Ciidanka Booliska u rajeeyay Guul, Horumar iyo dadaal joogto ah, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran ee la xiriira ilaalinta amniga, sharciga iyo kala dambeynta Dalka meel kasta oo ay ka howlgalayaan.