Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalmahaan ku mashquulsanaa howlahooda gaarka ayaa maanta loogu baaqay in ay tagaan goobaha ay ka socoto kaar-bixinta.
25 bisha bishaan oo ah maalin loo asteeyay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir,waxaa la filayaa in dadweynaha ku dhaqan caasimadda dalka ay u dareeraan codbixinta la doonayo in lagu xulo xubnaha kamid noonaya maamulka deegaanada gobolka.
Qoraalka warkaan ayaa lagu sheegay in qof aan haysan kaarka codbixinta uusan xaq u yeelan doonin in uu codeeyo maalinta doorashada.

