Wasiirka gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda mudane Marizamunda Juvenal

Wasiirka gaashaandhigga Rwanda ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.