Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.