Ankara: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa maanta la saxiixday Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda ee ay horey ugu heshiiyeen Labada dhinac, kaas oo muhiim u ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka baddeenna. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxaa xarunta OYAK ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga.
Munaasabaddan oo ku qabsoomtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa Wasiir Axmed waxa uu ku soo bandhigay muhiimadda iskaashiga Labada dal ee dhanka Khayraadka Badda, kaas oo horseedi doona Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshadaha kalluumeysiga dalka iyo horamarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiiskan oo goobjoog ay ka ahaayeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe ayaa waxa uu mudnaan gaar ah siinayaa la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta khayraadka badda iyo abuurista kumannaan fursado shaqo oo si gaar ah u taaban doona dhalinyarada iyo bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa ku bogaadiyey dowladda Turkiga iyo shirkadda OYAK sida ay u muujiyeen kobaca maalgashiga Soomaaliya iyo xasilloonida ka hanaqaadday dalka, taas oo horseedday in ay ku soo hirtaan shirkadaha caalamiga ah ee ka qeyb qaata horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhallinyarada.
Madaxda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Wasaaradda Beeraha iyo Kaymaha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga iyo Guddoonka Sare ee shirkadda OYAK ayaa soo bandhigay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee heshiiskan, iyagoo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kalsoonida ay ku qabaan qorsheyaasha maalgashiga ee Turkiga, taas oo horseedday fulinta mashaariic muhiim ah iyo adkaynta xiriirka faca weyn ee labada dal.


