Guddoomiyaha guddida doorashooyinka oo marti ku ah Barnaamujka dood furan

Barnaamijka Dood Furan oo maanta ay Warbaahinta Qaranka ku qabatay Muqdisho, waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan.

Shacabka caasimadda oo kulankan doodda ka soo qeybgalay ayaa Guddoomiyaha weydiinaya su’aalo furan oo ku saabsan doorashooyinka dhawaan dalka ka dhacaya.