Wasiirka Cadaalladda XfS oo kormeer ku tagay Degmada Dayniile

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay Degmada Dayniile oo uu ka socday diyaar-garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in qof walba uu qaato Kaarka Cod-bixinta ka hor 25-ka december asaga oo sheegay in dib u soo celinta awoodda dadweynaha ay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhisayo nidaam siyaasadeed oo hufan, isla markaana doorashooyinku ay yihiin saldhigga dib-u-habeynta dowladnimada iyo awooddii dadweynaha.

Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’antahay in shacabka Soomaaliyeed ay dib u helayaan awooddii siyaasadeed ee muddada dheer ka maqneyd.