Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo dejinta qorshaha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota, si Bulshada Rayidka ah ay uga qayb qaataan horumarinta hey’adaha dowliga ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa adkeeyey muhiimadda Bulshada Rayidka ah iyo kaalintooda nabadaynta, horumarinta bulshada iyo arrimaha bini’aadantinimo, isaga oo bogaadiyey talooyinka iyo waxqabadyada muhiimka ah ee ay ku soo bandhigeen shirka, isla markaana ay Xukuumaddu talooyinkaas mudnaanta siin doonto hirgalintooda, maadaama ay lafdhabar u yihiin dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalin ah, ayaa waxaa ka qeyb galay furitaankiisa wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socday Bulshada Rayidka ah iyo wakiillo ka ka tirsan Beesha Caalamka.