Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ansixiyey wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Muqdisho (Wargeyska Dalka) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 19-aad ee Kalfadhiga 7-aad ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad oo kulanka furay ayaa akhriyey baaq nabadeed oo uu Guddoonka Golaha Shacabka u diray shacabka Gobolka Awdal, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday magaalada Boorama.

Intaas kaddib, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun, ayaa kulanka ka hor akhriyey soo jeedin ku saabsan waafaqidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday, waxaana oggolaaday 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Xildhibaan ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Seybar-ka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maadaama hindise-sharciyeedkani marayey akhrinta koowaad, looma furin dood guud, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada weydiiyey su’aalo la xiriira mabaadi’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee hindise-sharciyeedka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inay soo diyaariyaan akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka, islamarkaana golaha dib ugu soo celiyaan si dood loogu yeesho.