Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Hey’adda UNDP Gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta iyo tayeynta hay’adaha amniga ee dalka, isla markaana loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu uga mahadceliyey Hey’adda UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta amniga.

Gaadiidkan oo tiradoodu gaareyso lix gaari, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hay’adaha amniga ee dalka, iyadoo loo marayo mashruuca JPP Phase-2, oo ay maalgeliso Midowga Yurub (EU), ayna fulinayaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka. Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya tayeynta adeegyada Booliska, tababarrada iyo xirfadaha amni casriyeynta qalabka iyo gaadiidka, iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.