Madaxweynaha JFS ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta Dowlad-Dhiska Soomaaliya

Dooxa(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaasoo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa kulnka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ay Soomaaliya  ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah ay kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna kuwaasoo ka kala yimid daafaha dunida.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.