Wasiirka caafimaadka ee XFS oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee Doha Forum

Doha(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Doha Forum 2025, oo ka socda magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa ka qeyb galay dood-wadaag heer caalami ah oo lagu falanqeynayay saameynta ay hoos u dhaca deeqaha caalamiga ahi ku yeesheen caafimaadka Soomaaliya. Wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo maalgelinta gudaha iyo ballaarinta iskaashiga wax-ku-oolka ah ee dalalka ku jira Global South–South Cooperation.

Wasiirku wuxuu si gaar ah u muujiyay fursadaha cusub ee iskaashi, maalgelin iyo khibrad-wadaag ee taageeri kara adkeysiga iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Wafdiga Wasiirka caafimaadka waxaa qeyb ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Guuled Cabdijalil Sheekh Cali, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya kulamo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka