Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.

Danjire Axmed ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, markasta ay dowladdiisa u garab taagan tahay Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka taageerada sida mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Ra’iisul wasaaraha kulanka ku wehiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dedaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.