Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasidda Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF).
Kulamkii maanta ee lagu ansixiyay heshiiskaasi waxaa shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, kaasoo ahaa kalfadhiga 7-aad ee kulankiisii 17-aad.
Heshiiska Aas-aasidda Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika waxaa ogolaaday 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen ansixinta heshiiskaasi.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada ansixinta heshiiskaas, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa go’aanka iyo himilada Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda iyo iskaashiga gobolka.
Wasiiru Dowluhu wuxuu xusay in ansixinta heshiiskan ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya sanadkaan markii ugu horreysay ay martigelisay Shirka 34-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka EASF, kaas oo lagu muujiyay kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay nabadda iyo amniga gobolka .

