Nairobi(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qayb-galay shir heer caalami ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyada oo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan oo muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa goob joog ka ahaa Hay’adaha iyo Dowladaha dhanka Maaliyadda ka taageera Dowladda Soomaaliya sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU) iyo Ergooyin ka kala socday safaaradaha dalalka sida dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumarinta dhaqaalaha dalka, iyada oo la xoojinayo iskaashiga Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara oo lagu taageerayo horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.
Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wehelinayeen Guddoomiye-yaasha Bangiyada kala ah Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay marxalado adag oo dhinaca dib-u-habeynta dhaqaalaha ah, isla markaana ay hadda taagan tahay waqtigii laga faa’iideysan lahaa dadaalladii muddada dheer socday. Wasiirku waxa uu sidoo kale caddeeyay in Guddiga Sare (Board-ka) ee Bangiga Horumarinta, oo dhawaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, cadaalad ah, isla markaana ku salaysan aqoon, xirfad iyo karti.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ayaa ku bogaadiyay hay’adaha caalamiga ah sida ay u garab taagan yihiin dadaallada lagu hirgelinayo qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka dalka.


