Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada UK oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay abid ku timid magaalada Muqdisho, kadib markii ay casuumad rasmi ah ka heshay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Amb Khadiijo Maxamed Al-Makhsuumi .
Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Bashiir Cumar, agaasime waaxeedyada iyo howlwadeenada ayaa xarunta Wasaaradda Qoyska kulan ballaaran kula qaateen Wafdigan ka socday dowladda UK, ayadoo ugu horeyn Wasiirku ay wafdiga warbixin ka siisay halka ay mareyso xaaladda Xuquuqul Insaanka Dalka iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska ku guuleysatay, kadib guushii shirkii Geneva, guulahaas oo ay ka mid tahay dhismaha iyo meel marinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si weyn ugu mahad celisay Boqortooyada UK dadaalkii ay ku bixisay in ay Soomaaliya dib u lasoo wareegto madaxbannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid ah dowladaha caalamka ayadoo dadaalladaasi ay hormuud u aheyd Safiirka Xuquuqul Insaanka Dowladda UK H.E Eleanor Sanders.
Intii uu socday kulank ayey dhankooda H.E Eleanor Sanders iyo Safiir ku xigeenka Safaaradda UK ee Muqdisho Sam Thomas waxa ay si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada xooggan ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bixisay Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay ballan qaaday Danjire Eleanor Sanders iney wada shaqeyntooda iyo garab istaagooda ay sii laba jibaari doonaan maadaama ay Wasaaradda dhankeeda shaqooyinkii laga rabay qabatay.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday dadaal xooggan oo ku aaddan horumarinta Xuquuqul Insaanka, taasi oo keentay in sanadkan 2025 ay si weyn u kordheen guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka oo ay ugu weynaayeen iney Soomaaliya dib ula soo laabato madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka 32 sano kadib iyo dhismaha guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.





