Guddiga warfaafinta golaha shacabka oo kormeeray wasaaradda warfaafinta

Xubnaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gellinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagoo gudanaya waajibaadkaooda dastuuriga ah ee kor-joogteynta iyo la-xisaabtanka ah, waxa ay maanta kormeer shaqo ku yimaadeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa la kulmay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, sidoo kale guddiga ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha iyo waaxyaha Wasaaradda ay ka kooban tahay, sida xarunta keydka Qaranka ee Radio Muqdisho, istuudiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ka socda.

Intaasi kadib, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddiga uga warbixiyey shaqada wasaaradda, isagoo guddiga la wadaagay in wasaaraddu ay ku howlantahay dardargelinta shaqooyinka hortabinta u leh, sida in bulshada Soomaaliyeed lagaarsiiyo warar xaqiiqda ku saleysan iyo wacyigilin joogta ah oo ay sameeyaan fanaaniinta Qaranka, asigoo intaasi ku daray in ay socoto casriyeynta Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa u mahadceliyey Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda iyo dhammaan dhamaan howlwadeenada wasaaradda.