Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kasameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa baacsiga iyo kahortagga dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Aqabka Bidhida, Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Berweyn Celi, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay Khawaarijtu ku lahaayeen goobaha ay ka abaabulaan falalka amni darro ee ay ka geystaan gobolka.

Taliyaha Ururka 191-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Muqtaar Axmed Cumar, oo hoggaaminayay hawlgalkan, ayaa sheegay in ciidanku ay burburiyeen gabaadyo iyo meelo ay Khawaarijtu isku aruursan jireen, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Shabeellaha dhexe.