Tangier:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ka qaybgalay dood-wadaag heerkeedu sarreeyay oo ka qeyb ah madasha 17aad ee MEDays oo lagu qabtay magaalada Tangier ee dalka Marooko. Doodda, oo cinwaankeedu ahaa “Afrika sare-u-kacaysa, Afrika guulaysanaysa: Xoojinta Gobonnimada, Hagaajinta Maamulka & Sugidda Xasiloonida,” ayaa diiradda lagu saaray isbeddelada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Afrika.
Intii lagu guda jiray fadhiga, Wasiir Cabdisalaan waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowridda madax-bannaanida qaran si loo taageero maamul dowladnimo oo wax-gal ah, xoojinta adkaysiga dhaqaale iyo ka guul keenidda xasillooni waarta.
Madasha MEDays, oo socon doonta maalmaha 26 ilaa 29 Nofembar, waxaa loo arkaa inay tahay mid ka mid ah madallada ugu muuqda ee sanadlaha ah ee lagu falanqeeyo arrimaha juqraafi siyaasadeedka iyo dhaqaalaha. Qabanqaabiyeyaashu waxay sheegeen in meertada sanadkani 2025 ay isku diiwaangeliyeen in ka badan 4,500 qof iyo in ka badan 450 marti sharaf heer sare ah, oo ay ku jiraan madaxda dowlado, wasiirro, iyo khubaro caalami ah.
Madasha oo sanadkani huwan halkudhigga «Kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga: Dib-u-habaynta isku-dhigga caalamiga.» ayaa waxaa hadal-jeedin ugu qoran 450 qof oo faaqidi doonaan mowduucyo kala duwan.


