Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana ujeedka kulanka uu ahaa la kulanka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda si ay uga helaan faahfaahin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa faahfaahin ka bixiyay miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, iyagoo si gaar ah u sharaxay meelaha uu ka jiro koboca dhaqaale iyo guulaha laga gaaray kordhinta dakhliga gudaha.
Xubnaha guddiyada maaliyadda ee labada Aqal ayaa su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, weydiiyey wasiirka maaliyadda oo dhankiisa ka jawaaabay su’aalaha uu guddiga weydiiyey.


