Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso ah.
Dhagar-qabeyaashaan ayaa damacsanaa inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo,kuwaas oo ku dhuumaaleysanaayey Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow sida Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.
Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo haayey xogta kooxdaan khawaarijta ah ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.
Xubnahaan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee dowladda, si looga qaado tallaabada sharci oo ku habboon.

