Isbitaalka Adyer oo la gaarsiiyay deeq daawo ah

Mekelle- Isbitaalka Adyer ee magaalada Mekelle ayaa waxaa maanta gaaray gargaarkii ugu horeeyay ee caafimaad mudo bil ah .

Kolonyo gaadiidka xamuulka ah oo sida daawo iyo agab kale oo caafimaad, oo ay leeyihiin  hay’adda ICRC oo kaashaneysa Laanqeyrta Cas ee Itoobiya ayaa gaaray isbataalka.

Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa joojiyay bixinta adeegyada caafimaad kadib markii ay ka dhamaadeen daawooyinkii muhiimka ahaa sidoo kale waxaa isbtaalka ka maqnaa adeegga korontada.

ICRC, ayaa  waxay sheegtay in ay maanta u tahay maalin farxadeed dhammaan shaqaalaha gargaarka iyo dadka magaalada Mekelle .

Magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin dad ka badan nus malyuun ayaa waxaa ka jiray dhibaatooyin dhanka beni’aadanimada ah tan iyo markii ay bilaabatay colaadda gobalka Tigreega afartii bisha November ee sanadkan 2020.