Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad ee Culimada, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 300 oo culimo Soomaaliyeed, oo ka kala yimid gobollada dalka, dalalka Afrika, Yurub iyo Mareykanka.

Maalinta saddexaad ee shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa amniga,midnimada bulshadda,dowlad wanaaga iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta.

Shirka maanta ayaa waxa lagu soo bandhigayaa doodo culus oo taabanaya dowlad wanaaga iyo la dagaalanka fikradaha gurracan ee Khawaarijta.