Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay furitaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka)Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay Culimadu u leeyihiin bulshada, gaar ahaan ilaalinta qiyamka diinta, midnimada iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay garab istaagga Culimada, si ay u gutaan doorkooda ku aaddan hagidda bulshada.

Dr. Muungaab ayaa sheegay in horumarka ka socda Muqdisho uu ka dhashay isku-xirnaanta hoggaanka dowladda iyo dadaallada culimada, isaga oo ammaanay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee mideynta Culimaa’uddiinka iyo la dagaallanka marin-habaabinta Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay xoojinta wada-shaqaynta culimada, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka sanadkan uu ka soo bixi doono talooyin muhiim u ah dowladnimada iyo mustaqbalka dalka.