Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goordhow ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska Dalka);-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo qof,waxaana ka mid ah culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo shirka, waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed,Sida bulshada loogu baraarujin lahaa muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay midnimadu

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Ibraahim Aadan Nadaara oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayàa sheegay in shirkaan uu yahay mid sanadkii mar ay isugu yimadaan culimada soomaaliyeed loogana hadli doono midnimada ummadda Soomaliyeed.

Qaar ka mid ah culimada ka qeybgalaysa shirka oo sidoo kale la hadlay warbaahinta qaranka ayaa yiri:-

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Shakuul: “Marna ma bannaana in dad walaalo ahi ay si macno-darrro ah isku dilaan.”

Sheekh Mustafa iyo Sheekh Maxamed Dulmidiid: “Culimada ha yimaadaan baraha bulshada oo ha ka wacyigeliyaan dadka fitnada qabaa’ilka.”

Sheekh Usuuli: “Shirweynahan sanadkan waxa uu ku soo aaday xilligii ugu habboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.”