waxa goordhowed la soo gaba gabeeyey shirka madasha garsoorayaasha dalka oo ka socday Muqdisho,shirkan ayaa intii uu socday waxa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee garsoorka,madaxda dowladda federaalka iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Madasha waxaa isugu yimid garsoorayaasha heerarka kala duwan ee Dalka, sharci-yaqaanno iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha Garsoorka. Intii ay socotay Madasha waxaa lagu gorfeeyay caqabadaha haysta shaqada garsoorka iyo fursadaha dib-u-habeynta nidaamka garsoorka.
Ugu dambeyn madasha waxaa soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed isagoo bogaadiyay guddigii soo qabanqaabiyay Madasha iyo guud ahaan Garsoorayaashii ka soo qeyb galay shirkan.


