Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay u mahadcelinaysaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyeen Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Xeerka ku Biirista Ururka Caalamiga ee Dayax-gacmeedka Guur-guura (IMSO Convention). Wasaaraddu waxay si gaar ah uga mahadcelinaysaa taageerada Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha badda ee dalka.
Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekaduhu waxay dejinaysaa jihada horumarinta dekadaha dalka, iyadoo xoogga lagu saarayo casriyeynta adeegyada, soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, xoojinta ganacsiga, abuurista fursadaha shaqo, ilaalinta deegaanka badda, iyo horumarinta dekedaha cagaaran ee waafaqsan heerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.
Sidoo kale, istiraatiijiyaddan waxay kor u qaadaysaa iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP) si loo dhiso kaabayaal waara oo la isku halayn karo.
Dhanka kale, ku biirista Soomaaliya ee IMSO waxay suuragelinaysaa helidda xog isgaarsiineed oo casri ah lana xiriirta gaadiidka badda, la socodka iyo ka jawaabista musiibooyinka badda, iyo ka qaybgalka go’aannada caalamiga ah ee nidaaminta isgaarsiinta badaha — taas oo muhiim u ah maraakiibta adduunka, maadaama in ka badan 80% ganacsiga caalamiga ahi uu maro badda. Arrintan ayaa sidoo kale Soomaaliya u fureysa tababaro, taageero farsamo, iyo kor u qaadista kalsoonida maalgashiga adeegyada badda.
Wasaaraddu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaran, hirgelinta mudnaanta Xukuumadda Dan-Qaran, iyo dhisidda dekado casri ah oo door muuqda ka qaata kobaca dhaqaalaha dalka.

