Wasiirka Qoyska oo xarigga ka jartay xarunta caawinta deg degga ah ee Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xarigga ka jartay xarunta Caawinta deg degga ah ee Carruurta taasi oo Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ay ugu talagashay iney Carruurta Soomaaliyeed deg deg ula soo xiriiraan marka ay tacadi la kulmaan ama ay qatar dareemaan.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Wicitaannada deg deg ah ee Carruurta ee nambarka gaaban 116 waxaa Wasiiradda ku wehliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda Maxamed Cismaan Naastaro iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maryan Cali Abuukar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad dardaaran ah u jeedisay kaadiriinta loo tababaray iney u adeegaan Carruurta Soomaaliyeed ayaa xasuusisay mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmaday waxaana ay kula dardaarantay iney xil gaar ah iska saaraan la socodka xaaladda Carruurta Soomaaliyeed ee xaruntaan loo sameeyey.

Tallaabadan lagu hurgeliyey xarunta wicitaannada deg degga ah ee Carruurta ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto wax ka qabashada tacadiyada ay la kulmaan Carruurta Soomaaliyeed ayadoo ay kusoo aadeyso xili ay Soomaaliya u dabaal degeyso 10 sano guurradii kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta.