Aqalka Sare oo Ansixiyay Xubnaha Guddigga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul aadanaha

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, kadib markii ay u codeeyeen 28 xubnood oo ka mid ah 55-ta xildhibaan ee Golaha aqalka sare.
Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ansixinta ka hor faahfaahin ka bixisay muhiimadda guddiga iyo doorkiisa ilaalinta xuquuqda iyo la xisaabintanka hay’adaha dawladda, iyadoo muujisay kalsooni ku aadan in guddigu “si buuxda u fulin doono waajibaadkiisa la xisaabintanka hay’adaha dowladda.”

Ansixinta guddiga oo maanta la dhaariyay ayaa yimid ,ka dib markii go’aan taariikhi ah oo ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku ansixiyay 7 Oktoobar 2025, kaas oo siinaya Soomaaliya awood buuxda oo madaxbannaan oo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Bishii la soo dhaafay ee 11 Oktoobar 2025, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay dhismaha Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Guddigu wuxuu ka kooban yahay sagaal xubnood, kuwaasoo u dooran doona guddoomiye ka mid ah xubnaha:
Farxaam Maxamed Jimcaale
Axmed Sheekh Xamsa Abshir
Cali Maxamed Cilmi
Dr Cumar Cabdullaahi Calasoow
Drs Maryam Qaasim Axmed
Fadumo Cabdiqani Yuusuf
Maxamed Cusmaan Maxamuud
Maxamed Haaruun Maxamuud
Maymuun Sheekh Cumar

Guulaha isdaba-jooga ah ayaa muujinaya horumarka Soomaaliya ku samaynayso dhismaha dowladnimo ,gaar ahaan nidaamka xuquuq aadanaha ee madax-bannaan iyo xoojinta doorkiisa caalamiga ah.