Wasiirka shaqada oo qaabilay danjiraha Turkiga

Safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa booqasho ugu yimid Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saalim Caliyow Ibrow, iyagoo xarunta wasaaradda ku yeeshay kulan u dhexeeya labada dhinac.

Kulan ayaa looga hadlay sii wadidda heshiisyo waxqabad oo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya kala dhexeeya dhigeeda Jamhuuriyada Turkiga.

Safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta isla markaasna sheegay in uu diyaar u yahay in uu sii wado xiriirka labada dhinac oo ku dhisan wax wada qabsi iyo taageero.

Wasiirka wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Saalim Caliyow Ibrow ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa, waxaana uu soo jeediyey in bandhigay in safiirku gacan ka geysto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadaayo aqoontooda iyo xirfadaha farsmada, maadaama uu Turkigu u yahay saaxiib weyn oo ay leeyiin shaqacabka Soomaaliyeed.