Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Kulankan ayaa diirradda lagu saaray cutubka lixaad ee dastuurka oo cinwaankiisu yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo cutubka 7aad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.