Muqdisho, Axad, 16 Nofeembar 2025 : Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale ayaa xilka u kala Wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Cabdinaasir Axmed Bashiir iyo Agaasimihii hore.
Xafladda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Shaqaalaha Waaxda iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Xafiiska.
Xoghayaha joogtada ah Mudane Kamaal ayaa agaasimaha cusub iyo shaqaalahaba kula dardaarmay xilgudasho hufan.

