Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee afaraad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 139-xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Senator oo Aqalka sare ah, waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta koowaad xeerka qoondada miisaaniyadda ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.
Wasiiru ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa mudanayaasha labada ee aqal ee Dalka la wadaagay Akhrinta koowaad ee warbixinta miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo qeybaha ay ka kooban tahay.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta labaad ee miisaaniyadda si ay uga doodaan mudanayaasha labada aqal.

