Muqdisho(Wargeyska dalka):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saaka magaalada Muqdisho ka bilaabay qaybinta kaarka codbixiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Guddida ayaa saaka subaxnimadii hore ka daahfuray kaar qaybinta ilaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Degmooyinka Shibis,Boondheere, Xamar jajab,Shangaani,Waaberi,Xamarweyne iyo degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir ayaa si toos ah looga bilaabay qaybinta Kaarka cod bixinta.
Qeybinta kaarka codbixiyaha muwaadinka soomaaliyeed ayaa shacabka uga dhigan waa cusub oo u baryay bulshada Soomaaliyeed taas oo shacabku si toos ah ugu soo dooran doonaan metelaadooda Siyaasaddeed.
Doorashada golaha deegaanka ayaa noqon doonta doorashada ugu horreysa ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ku soo dooran doonaan metelaadooda siyaasaddeed,iyadoo isla Caasimadda muqdisho ugu horeyn doonto qabashada doorashada golaha deegaanka.

